Beri baa nin safar ah u soo hoyday reer meel baadiye ah deggan. Reerkii ayaa sidii dhaqanka wanaagsan ee suuban ee soomaalidii hore ahaa, u sameeyay ninkii martisoor.
Ninkii waxaa loo keenay gogol uu ku nasto, marka uu seexanayana uu ku seexdo. Reerkii ayaa si ay ninkan safarka ah u sooraan ka soo soocay xoolihii ay dhaqanayeen neef dheyla ah oo buuran.
Hilibkii neefka oo dhan ayeey reerkii sifiican u karsheen dabadeedna u keeneen ninkii martida ahaa. Waxaa kale oo loo keenay caano badan oo dambar leh, oo markaa la soo lisay.
Markii cuntada loo keenay ayaa ninkii martida loo ahaa wuxuu doonay faraxal. Intii uu faraxalka ku maqnaa ayuu ninkii martida ahaa cunay wixii hilib iyo soor ahaa, oo kaddibna caanihii isaga dejiyay. Markii uu ninkii martida loo ahaa faraxalkii keenay ayuu arkay raashiinkii oo eber ah.
Sidii dhaqanka iyo caadada u ahayd soomaalida, waxba ma uusan oran ninkii oo wuu iska aamusay. Ninkii martida loo ahaa intuu fadhiistay ayuu weeydiyay ninkii safarka ahaa meesha uu u socdo. Ninkii safarka ahaa ayaa yiri, waxaan u socdaa magaalada oo waxaan rabaa inaan takhtar u tago.
Ninkii martida loo ahaa ayaa yiri, miyaad xanuunsan tahay. Ninkii safark ahaa ayaa ku warceliyey oo yiri, waxaa iga xiran cuntada oo daawaan doonanayaa. Ninkii baa intuu yaabay, wuxuu ku yiri ninkii martida ahaa ee safarka u socday, waxaan kaa codsanayaa inaadan marka cuntada laguu soo furo aadan isoo marin.
Ninkii martida loo ahaa wuxuu is yiri, ninkan neefkii iyo soortii cunay, caanihii aad ogeydna cabay, marka raashiinka loo soo furo, toloow muxuu cuni doonaa.
Xigasho:Web-Dhugasho.Com