SHEEKADII: DUKE IYO DABAGAALLE

bari baa waxaa saaxiibay; Duke, dafo, iyo dabagaalle, waxayna ku heshiiyeen inay wada qaraabtaan oo wax walba oo ay helaan wada cunaan, midbana uu maalin soo qaraabo.

Maalintii ugu horeysay dabagaalle ayaa qaraabtay oo asagoo digiri kalxamaha uga buuxdo soo laabtay, sidaas ayaana maalintaa digir looga dhargay.

Maalintii xegtay ayaa dafadii qaraab loo daray, waxay keentay walad hilib ah oo ay dad ka daftay, halkii ayaana lagu qamsaxsaday.

Maalintii 3-aad ayaa dukihii qaraab tagay, markaa buu ileen gacmo uu wax ku soo qaado malehee 1-xabboo masago ah dhuunta ku soo qaaday, meeshii ayuu keenay yadoo uu dabagaalihii maqanyahay, wuxuuna u dhiibay dafadii oo ku yiri “badarkaan inoo kari”.

intay xabaddii masagada ahayd labo qalbac u kala jabisay ayay digsi biyo ka buuxaan dabka la saartay, cabbaar markuu karsamayay ayay maagtay dhadhami inuu bislaaday iyo in kale markaa bay labadii qalbac mid laqday, waxayna tiri “in iin wali waa ceeriin”, mar labaad ayay hadana dhadhamisay oo qalbicii labaad cuntay , waxay tiri” markaan waa bislaaday”, markaa bay biyihii oo karkarsan tukihii u keentay.

Markuu arkay inay biyo kulul kaliya u keentay , ayuu xanaaqay oo dharbaaxyo dab ka kulul dafadii ku il iyo goon uga dhiftay.

Maalintii ayaana la sheegaa inay bilaabatay cadaawadda dafada iyo tukaha oo haatan haada isugu neceb.

Dulucda sheekada: waa hadaad rabto in wax feecan laguu kariyo wax feecan keenso oo ruuxa karinaya u dhiibo.