Shariif SheekhAxmed oo noqday musharixii u horeeyey ee isku diwaan geliya doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Musharrax Madaxwayne Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa noqday murrashaxii ugu horreeyey ee isu diiwaangeliya tartanka xilka madaxtinimada dalka, asigoo qaatay shaahada muujinaysa Musharraxnimadiisa xilka Madaxwaynaha JFS.

Murrashaxiin kale ayaa la filayaa inay sidoo kale is diiwaangeliyaan iyadoo maanta ay tahay maalintii koowaad ee isudiinwaangelinta murrashaxiinta xilka madaxweynaha Soomaaliya sida ay sheegeen Guddiga qabanqaabada doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo lafilayo inay dhacdo 15-ka bishan aan ku jirno ee may.