Shariif Maxamed Cabdalla oo qaatay Shahaadada murrashaxnimo ee Guddoomiyaha BFS

Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla oo ka mid ah murrashixiinta ugu cad cad ee utartamaya qabashada xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa maanta qaatay shahaaddada musharaxnimada ee xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka, waxaana la rumeysan yahay inuu ka mid yahay Musharaxiinta ugu rajada wanaagsan, isla markaana noqon karo ninka xilligan hoggaamin kara Baarlamaanka 11aad, soona celin kara heybadii iyo sharafkii uu Golaha Shacabku lahaa.