SHAQSIGII LAGU SHARFAY NOBEL PEACE PRIZE-KA ADDUUNKA OO ISKU BEDDELAY DAGAAL OOGE LA KARI LA’YAHAY

Ra’iisal wasaare ku sheegga Itoobiya sheydaanka madoow ee muuqda ee maanta ka arrimiya dalkii loo yaqiinay abasiiniya ayaa taariikh nololeedkiisu iyo soo jireenkiisuba ahaa markii dib loo raacay mid madoow oo aan istaahilin in uu ka taliyo addis ababa ee itoobiya, kaasoo aan marnaba istaahilin in uu ku sii fadhiyo ama ku sii nagaado kursiga dalka looga taliyo, waayo wuxuu u horseeday dagaallo sokeeye, burbur, baab’a, barakac iyo dagaallo daba dheeraaday

Waxaan si cad maanta u iftiimineynaa taariikh nololeedkiisa iyo sida uu adduunka u dhagray isuguna muujiyay in uu yahay kii dalka itoobiya hoggaamin lahaa.

Abiy Axmed ayaa ku dhashay gobolka Jimma ee degaanka Oromiya, waxaana la doortay isagoo ah guddoomiyaha xisbiga OPDO ee Degaanka Oromada, wuxuu shahaadadiisa kowaad uu ku qaatay Cilmiga Computer Injinering, shahaadadiisii labaadna ee mastarka waxay ahayd transformation and leader ship and change, sidoo kalena  wuxuu shahaaddada digriiga labaad ee Mastarka ku qaatay Culuumta Maamulka iyo Maareynta, halka shahaaddada BHD-gana uu ku qaatay Culuunta Nabadda iyo Xasilinta.

Ninkani wuxuu Wasiir ka noqday Wasaaradda Sayniska iyo Tiknoolojiyada ee dalka, sidoo kalen wuxuu ka soo shaqeeyay xarunta sayniska iyo tiknoolojiyada isagoo ka noqday Maareeye Guud, wuxuu sidoo kale maareeye ku-xigeen ka noqday Laanta Sirdoonka ee INSA ee dalka itoobiya.

Waxaa kale uu noqday madaxa xafiiska horumarinta iyo guriyeynta ee deegaanka Oromiya, sidoo kalena ahaa Madaxweyne ku-xigeenka Oromiya, waxaa kale uu ka soo shaqeeyay Ciidanka Difaaca Qaranka isagoo ka gaaray Lieutenant Colonel

waxaana la filayay ninkaan isu beddelay haatan dagaal oogaha noqday inuu sii xoojin doono arrimaha dimuqoraaddiyadda iyo nabadda kuwada noolaanshaha qowmiyadaha iyo shucuubaha dalkiisa, laakiin taasi ma dhicin, mid uu abaalgudkeeda u celiyo bulshada iyo shacuubta uu maanta u taliyo ninkani wuxuu qaatay nobel peace prize sannadka iyo taariikhdu markay ahayd 10 December 2019 at the Oslo City Hall, Norway.

Balse, maxaa laga dhaxlay lagana dheefay aqoontii iyo juhdigi uu dalkiisu ku tabcay abaalgudkeedana ka dhigay in uu kala diro qowmiyadihii itoobiya ee la doonayay inuu isku hayo isagoo u adeegsanaya qeybi oo xukun, boqolkii 99% maanta waxaa loo arkaa inuu yahay dagaal ooge la kari la’yahay oo burcad ah waayo wuxuu si bareer ah u sheegay dunidana maqashiiyay inuu doonayo bad uu xoog ku qabsado waxaana haatan ka amaan heli la’ dhammaan dowladaha jaarka la’ah ka dib markii uu siyaasadda gudahiisa fashilmay, baabi’yay, dadkiisuna waxay maanta ula dirirayaan siday uga hoos bixi lahaayeen taliska uu madaxda ka yahay dagaal oogahaan caddeystay boobka iyo damaca waalida ah qaba, wuxuu Ilaah u qorin goobaya una ooyaya.

Kani waxaan oran karnaa kama faa’iideysanin aqoontii la soo baray sida muuqataa wuxuu ku dambeeyay mooriyaannimo iyo argagixin qowmiyadaha kala duwan ee dalka itoobiya iyo dowladaha la deriska ah, wuxuuna qoomiyadda uu ka soo jeedo u fasaxay in riixdaan dhulal aysan lahayn ee qowmiyadaha kale sida soomaalida oo ay ka qabsadeen dhulal badan haatanna ay weli heystaan, wuxuuna si  mission ah ku dilaa wixii ka hor yimaada xukunkiisa isagoo laabta gashaday in uu dalka xoog ku xukumo,ka dib markii uu arkay inaysan dadku rabin, kani waa mid khiyaanay dadkiisa iyo dalkiisa waxayna maanta ka taagan yihiin allow yaa hal mar idinka dul qaada oo na dhaafiya, waxaa ku kacay dhammaan wixii qowmiyado ahaa iyagoo sameystay jabhado iyo ururro xoog badan wuxuuna la galay dagaal oo la ogaa tii ka dhacday dalka itoobiya ilaa iyo manta, dadkiina ay gaajo iyo barkac ku jiraan

Dunida wuu qiyaanay wayna ku qaldantay markay siineysay nobel peace prize-ka ka dib markii uu jilay inuu yahay R/wasaare nabad doon ah.

Waxaana laga yaabaa ninkaan isu beddelay dagaal oogaha ee qaatiga laga taagan yahay in uu ugu dambeynta ku guul-dareysan doono xukunka uuna weyn doono quuluubta shucuubta itoobiya iyo caalamka taasi oo sababi doontaa in lagala noqdo abaalmarintii lagula qaldamay ee lagu sharfay Nobel Peace Prize

WQ: Osman Dhiblaawe