Shaqaale ka tirsan Q.M oo lagu afduubtay Yeman

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay, in shan ka mid ah shaqaalaheeda lagu afduubtay koofurta Yeman, xilli ay kusii jeedeen magaalada Caden.

Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay oo lagu magacaabo Russell Geikie ayaa sheegay in shank amid ah howlwadeenadooda lagu afduubay gobolka Abyan ee dalkaasi Yeman, isla markaana ay hadda ku rajo weyn yihiin in maamulka degaanadaas ka taliya ay xorriyadooda dib ugu soo celiyaan shaqaalahan la afduubtay ee ka tirsan Qaramada Midoobay.