Shalay & Maanta Lacibka C/Xafiid Halyeeyay hibadiisa la joojin waayay markii Jalaafooyin badan loo dhigay

Bini’aadam daaye Buuruhu kuma hor istaagi karaan, cunsuriyaduna kuma curyamin karto markuu ku hubaysan yahay hibo hindiseed & hal abuur eebbe kuu hibeeyay, kuma sii jirto markay hooyadaa Duco faraqa kuugu xirto sida Gool magafe C/xafiid Juunisate oo kale, Qoskiisa oo sabool ahaa darteed muusan haysan lacag uu balooni ku iibsado Balse lugtiisa ayaa ka yeeshay Geesigii xoraystay majaangow & kan loogu jecelyahay Acakademiyo bacaad xeebta Calanlay, maanta waa kan wanaagsan Xidigaha Bariga & Bartamaha Afrika qof walbana wuxuu xushmaynayaa Laacibtinimadiisa, ilaa gabdho badan oo gayaankiisa ah ay guur usoo bandhingtee balse sahal kuma iloobi doono Faquuqii & Cunsuriyaddii lagu hayay ee looga hor istagay u ciyaaridda Xulalka Jubbaland & Konfur Galbeed.
Dhaaxuu illin u qabay hagardaamooyin ay keeneen eex & nin jeclaysi laakiin lugtiisa ayuu ku ciil baxay, isagoo muujiyay in laandheeranimadu ay tahay inaad u dhabar adeegto dhibta iyo rumayso riyooyinkaaga, layaab male in la hor istaago Cabdixaafid maxaa yeelay isagu waa mishiinka goolasha sida keliyee lagu celin karaana waa inuusan garoonka luguhiisa soo gelin.
Hooyo Farxiya Banaadi Baana ayaa sheegtay in wiilkeeda lamarsiisay Silic & Saxariir adduun, la caadaadiyay oo la cunsuriyey tiiyoo Noqotay Cashar & Khibrad uu ku ciqaabo difaacyadda kasoo horjeeda.
Wacdarihii Xidigaha ay “Ocean Stars” ee koobka CECAFA under 17 ugu soo hooyeen Dalkeena Hooyo, waxa ku hoos duugan sheekooyin Cajiib ah & Anfariir leh, Cabdixafiid Maxamed Junise waa xidigga ugu saamaynta badanaa Ciyaarihii ka dhacay Addis Ababa,
waxaan ku tilmami karnaa “Lionel Messi-ga” Soomaaliya, Tayadiisa kubbaddu waa Hiboo ilaahay ku gacay wuxuuna hiddo-raacay hilib adowgii, Kubbadda cagta Soomaaliya markaad ka hadlayso maankaaga waxaa ku soo dhacaya Magaalada Kismaayo oo ay kasoo bexeen Xiddigii ugu wanaagsanaa Taariikhda Soomaaliya, waana halka uu ku dhashay Cabdixafiid Junised.
Gobolka Jubbada Hoose waa kan ugu badan ee hantay Koobka gobollada Soomaaliya beri-samaadkii Kismaayo ayaa 8 jeer la hooyatay Koobka gobollada keedii sagaalad Jubbaland ayaa koobka maamul goboleedyada 2017_kii.
Cabdixafiid Junised yaraantiisii ayuu bidhaamay sidii hilaacii mowhibada lamahelaanka ayaa kayeshay kan ugu wanaagsan garoommada buska (boodhka) leh, wuxuuna hibadiisa ku muujiyay Kooxda majaangow, Macalinkiisii oo la dhacay Xirfadda wiilkan ayaana suura geliyay inuu ka ciyaaro Isbartiibo Weekiyo.
Cabdi xaafid oo dhiganayay Dugsiga Axmed Bin Xambal wuxuu Garab & gaashaan ka helay Farxiya Banaadiri Baana waxayna ku dhiirigelisay rumaynta himilooyonkiisa, Dabayaaqadii 2020 waxaa looga yeeray Xulka Jubbland maalmo is diyaaris ah kadib waxaa lagu la kacay Cadaalad darro iyo Faquuq iyadoo loo sheegay inuusan u qalmin kooxda ka qayb galaysa Koobka maamul Goboleedyada,
dharaartaa si way ayuu uga niyad jabay Banooniga Soomaaliya balse Hooyo Farxiya Banaadi Baana ayaa u sheegtay inuusan is dhiibin oo u dagaalamo Nololshiisa, kadibna wuxuu fursad ka helay Koonfur Galbeed oo ugu yeertay inuu metelo Xulkeeda ka qayb galaya gobolka maamul goboleeyada Haw raarsan iyo gudoon ayuu ku yiri Tabaraha Koonfur Galbeed.
Balse Xiriirka kubadda cagta Jubbland ayaa hor joogtay inuu u safro muqdisho si uusan ugu ciyaarin koonfurgeel, Dhib walboo soo gaaray waa sabray wuxuuna goostay inuu ka ciyaaro Horyaalka Somali Premeir Leage isagoo heshiis la gaaray Kooxda Elman.
Macalin Nuur Amiin oo la ashqaraaray hibada ku duugan lugtiisa bidix ee C/Xafiid Junisayd ayaa usoo xoshay kooxdiisii koobaad ee ku guulaystay Koobka Bariga & Afrika, maanta albaabada rajada ayaa u furmay Laacibkan Murugadii waxay isu bedeshay Farxad kawada ilmaysiisay Malaayin Soomaali ah oo u hamuunqabay in Ciidda hooyo la keeno Koobkan caanka ah ee aad loo daneeyo.
WQ: Mohamed Muuse Tarsan