Shahaado siinta Xildhibaannada labada Aqal oo maalintii Afaraad ka socota Muqdisho

Gudiga doorashooyinka heer Federaal ayaa maalintii Afaraad oo xiriir ah waxaa ay magaalada muqdisho ka wadaan Shahaado siinta Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Ku dhawaad 160 xildhibaan ayaa qaatay shahaadada rasmiga ee Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya. Sido kale waxaa barbar socda qaadashada kaararka Aqoonsiga Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Xarunta ay ka socoto Shahaado siinta Xildhibaannada ayaa waxaa ku sugan Xildhibaano badan oo ka tirsan labada Aqal, kuwaas oo Shahaadada rasmiga ah ee Xildhibaannimo la siinayo.

Xildhibaanada labada aqal ee maanta qaaday shahaadada xildhibaannimo waxaa kamid ah:

Cabirashiid Maxamed Xidig HOP#072

Saciid Maxamed Cali HOP#093

Iftiin Xasan Iimaan Baasto AS#04

Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag AS#02

Saadaq Cumar Maxamed Saadaq Joon HOP#248

Cusmaan Cali Yuusuf HOP#198

Muusa Suudi Yalaxow AS#17

Cabdixakiin Macalin Axmed AS#13

Qaali Cali Shire HOP#060

Sadiiq Cabdullaahi Cabdi HOP#092

Maryan Faarax Kaahiye HOP#008

Axmed Maxamed Saciid AS#41

Mahdi Maxamed Guuleed HOP#239

Guddiga doorashooyinka heer federal ayaa ugu baaqay in Xildhibaannada maqan inay si deg deg ah u yimaadaan magaalada Muqdisho, si loo siiyo shahaadada Xildhibaanimo.