Shacabka Soomaaliyeed oo bogaadiyey xasuuqii khawaarijta loogu geystay Jubbada hoose

Shacabka Soomaaliyeed ayaa soo dhaweeyey xasuuqii khawaarijta shalay loogu geystay deegaannada kala ah Buulo Xaaji, Baar Sanguuni iyo Harboole ee gobalka Jubbada hoose.

Axmed Macallin Caydiid oo kamid ah dadka ku Dhaqan magaalada Muqdisho ayaa ku tilmaamay xasuuqa khawaarijta iyo sida looga hortagay qorshahe bogaadin xoogan mudan, meesha ka saareyso weerarada fuleynimo ee khawaarijta isticmaalaan kuna soo qaadaan fariisimaha  Ciidanka Xogga iyo kuwa deegaanka.

Dhankiisa Cali Axmed Faarax oo ku nool magaalada Baladweyne ayaa isna sheegay in uu xalay ay ula mid aheyd markii xorriyadda laga qaatay gumeystayaashii 1960-ka, waxaana ku seexday farxad, anigoo marba eegaya muuqaallada laga soo duubay xasuuqa khawaarijta.

Xabiibo Cali Maxamed oo ku dhaqan dallka Mareykanka oo la hadashay SONNA ayaa ku sheegtay xasuuqa khawaarijta mid bogaadin xoogan mudan, iyadoo geesiyaasha Xoogga kula talisay hanaankii loo maareeyay weerarkii khawaarijta looga faa’ideysto meel kasta oo Ciidanka Qaranka joogaan, si meesha looga saaro weerrada fuleynimo ee khawaarijta.

In ka badan 80 Khawaarij ah oo isugu jira horjoogeyaal iyo maleeshiyaad ayaa lagu dilay hawlgal ka hortag ah oo ay Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland shalay ka sameeyeen deegaannada Buulo Xaaji, Baar Sanguuni iyo Harboole ee gobalka Jubbada hoose.

Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa shacabka iyo saaxiibada caalamka waxaa ka go’an ciribtirka Khawaarijta nafla caariga ah ee duulaanka ku ah dalkeenna, dadkeenna iyo diinteenna.