Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kalmad ka jeediyay Masjidka Shuhadada ee Madaxtooyada Qaranka oo uu kaga qeyb galay Salaadda Janaasada Alle ha u naxariisto Taliyehii Qaybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir, Sarreeye Guuto Farxaan Maxamuud Aadan.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Shacabka Soomaaliyeed laga rabo in ay u midoobaan la dagaalanka Argagixisada.
“Dadka Soomaaliyeed maanta waxa ay leeyihiin hal cadow oo ay tahay in ay cudud iyo caqliba u mideeyaan. Caqli saliim ah ma ahan in aynu aqbalno ficilladooda gumaadka ah. Qofkasta oo Soomaaliyeed waxaa waajib ku ah in uu doorkiisa ka qaato dagaalka ka dhanka argagixisadaas”. ayuu yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in ay damiir xumo tahay ganacsatada hantidooda sida baadda ah u siiya argixisada Alshabaab, taas oo ah waxa ay ku maalgeliyaan dhagarta ay ku gumaadaan shacabka Soomaaliyeed ee birmi-gaydada ah, dowladduna aysan aqbalayn arrinkaas.