Shacabka Muqdisho iyo madaxda dalka oo maanta ka qeyb-galaya Daah-furka kacdoonka Muqdisho

Shacabka ku dhaqan magaalada Caasimada ah ee Muqdisho ayaa saaka u diyaar garoobaya ka qeyb galka daahfurka kacdoonka Muqdisho ee lagaga soo horjeedo kooxda caadeesatay dhiiga dadka ee Khawaatijta Al shabaab oo maanta ka dhici doona garoonka Eng. Yariisow ee Dagmada Cabdicasiis.

Isu soo baxaan ayaa waxaa ka soo qeybgalaya Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka ah, maamulka gobolka Banaadir  iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool Caasimada, iyadoona dadka reer Muqdisho ay ku muujin doonaan dareenkooda caasimad nabad iyo baahida ay u qabaan in Khawaatijta laga xorreeyo dalka

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo mas’uuliyiin kale ee ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa ka jeedin doono khudbado ay kaga hadlayaan dagaalka ka dhanka ah ah Al-Shabaab iyo sida looga adkaan karo, iyadoo dowladdu ay soo bandhi doonto muhiimada ay leedahay in loo midoobo kooxda khawaarijta ee ka been sheegta diinteenna Suuban si loo cirib-tiro.

Dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa shacabka ayaa guud ahaan dalka ka wada dagaalo iyo kacdoono ka dhan ah khawaarijta ee dalka looga xorreyno kooxda dhiig-miiratada ah, Iyadoo gobolada dalka ay ka socdaan dagaalo guuleystay oo khawaarijta looga xorreeyay magaalooyin badan bilihii la soo dhaafay.