Shacabka Gobolka Banaadir oo diyaar u ah Doorasho qof iyo cod ah

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Cabdikariin Axmed Xasan ayaa shaaciyay in lasoo xiray diiwaan-gelintii codbixiyaasha doorashooyinka ee ka socotay degmooyinka gobolka Banaadir.

Wuxuu guddoomiyaha carabka ku adkeeyay in ay kaarka codeynta qaateen ku dhawaad hal Milyan oo qof.

Shalay oo taariikhdu ahayd 15/8/2025, waxaa soo xirmay feeding dheeraa ee aan u soo galnay inaan bilaawno diiwaangelinta dadweynaha gobolka Banaadir ee dioramas soo socota ee golaha deegaanka,hadafkeennu wuxuu ahaa in siddeed boqol iyo labo iyo toban kun oo qof aan diiwaangelino, waxaa aad war loogu Farxo ah in dad ku dhow Hal Milyan oo dad ah maanta diiwaangashan yihiin,’’.

Sidoo kale, Guddoomiye Cabdikariim Axmed Xasan ayaa tilmaamay in tallaabadan ay muujineyso in shacabka gobolka Banaadir diyaar u yihiin in ay codkooda ku doortaan hoggaamiyahooda.

Waxaa si aad ah dalka kaga socda dhaqdhaqaaqa diiwaangelinta codbixiyaasha doorashooyinka qof iyo codka ah.