Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay qorshe lagu xakameynayo hubka Magaalada Muqdisho, oo loogu yeeray (Xeerka Xakameynta Hubka Caasimadda), kaasi oo ka kooban 14 qodob.
Xeerka Xakameynta Hubka Caasimadda, iyadoo laga ambaqaadayo go’aankii Golaha Wasiirada ee soo baxay 6-dii bishii April 2023-ka ee Xeerka Xakameynta Hubka Caasimadda, waxaa Dowladda Federaalka Somaliya ay shacabka la wadaagtay faah faahin ku saabsan xeerkan muhiimka ah.
Ujeedada laga leeyahay xeerkan ayaa ah in la is waafajiyo xaqa dastuuriga ah ee bulshada caasimaddu u leedahay xasillooni iyo nabad ay u helaan naftooda. Sidaa daraadeed waxaan halkan idin kula wadaagaynaa nuxurka xeerkan oo u dhigan, sida tan soo socota:-
-Waxaa reeban oo la mamnucay in magaalada lagu dhex wato hubka culus, sida a) Gaadiidka Ciidanka oo qori ku xiran yahay b) Qoriga Sabanka ama baasuukaka (RPG). c) Qoriga Dabajeexa (PKM).
-Waxaa la mamnuucay in cid aan dowladda ahayn ay keensato hub iyo gaadiid ciidan, siiba gaadiidka loo yaqaano Cabdi Bilaha iyo dareyska ciidanka.
-Gaadiidkan iyo hubkan la mamnuucay waxaa magaalada lagu dhex wadan karaa oo keliya marka ay adeegsanayaan ciidan hawlgal idman ku jira.
-Dhammaan hubka iyo gaadiidka ciidan ee la qabto, iyadoo aan ruqsad loo haysan ama xadgudub ku ah xeerkan, waa la la wareegayaa, waxaana uu noqonayaa hanti dowladeed.
-Diiwaangelinta iyo bixinta rukhsadda ilaalada waxaa u xilsaaran Wasaaradda Amniga Gudaha.
-Waxaa reebban cid aan ahayn ciidammada u xilsaaran sugidda amniga caasimadda in hub aan rukhsad lahayn ay magaalada ku dhex wadato.
-Ciidammada ilaalada ah ee haysta ruqsadda, marka ay shaqada ku jiraan waa in ay wataan labiska ciidanka ay ka tirsan yihiin.
-Ciidamada sugaya amniga bara-ilaaleedka (checkpoints-yada), waa in ay u turaan bulshada adeegsanaya waddooyinka, si wanaagsanna ula dhaqmaan, sidoo kalena, ay mas’uuliyiinta waddooyinka adeegsanaya siiyaan tixgelintooda iyo mudnaantooda.
-Masuuliyiinta iyo dhammaan bulshada qeybaheeda kala duwan ee waddooyinka adeegsanaya, waa in ay u hoggaansamaan ayna dhowraan farriimaha iyo tilmaamaha ciidammada sugaya amniga caasimadda, isla markaana ay u fududeeyaan gudashada waajibaadkooda shaqo, iyo kuwa kale, Xeerkan waxaa uu dhaqangalay 6-dii bisha April 2023-kii, markii ay ansixiyeen Golaha Wasiirada.
Haddaba waxaa laga jooga muddo Bil iyo dhowr maalmood, markii uu soo baxay xeerkaasi, su’aashu waxay tahay maxaa ku soo kordhay Caasimadda Dalka ee Muqdisho? Jawaabta meel dheer lagama doonaayo u fakarna uma baahna, waa caddahay in wax weyn ay ka qabteen Ciidanka cusub ee lagu soo tababar Dalka keenya, islamarkaana aaday dardaarankii uu ku siiyay Xerada Tababarka ee Hiilweyne Madaxeynaha JFS Mudane Dr: Xasan Shiikh Maxamuud, waxayna durba howl weyn ka qabteen, islmarkaana gacan bir ah ku qabteen wax alle iyo wixii khatar ku ah amniga guud ee Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo isagu jira Maleeshiyaadka Kooxda Argagaxisada ee Alshabaab, Ciyaal weero ama Gaangiska, kuwa ka ganacsada Mukhaadaraadka qeybihiisa kala duwan iyo hubka sharci darrada ah, waxayna ku soo afjareen muddaasi gaaban, iyadoo Magaalada laga dareemayo xasilooni iyo nabad ballaaran, gaar ahaa Maalmihii lagu gudajiray bishii Barakeysneyd ee Ramadaan iyo maalmiihii Ciidul Fidriga.
“Waxaan la iska indha tiri karin in caasimadda dalka xasishay, lana helay albaabadii ay sharuhu ka soo gudbi jireen, waxeyna tani ku timid ciidamada Boliis Militar ee la dul dhigay saraakiishii iyo askartii hore uga shaqeyn jirtay amniga caasimadda. Waxey shacabku arkaan askar asluubeysan, baaritaan mooyee aan kala wareeg dhaheen, ID haddaadan wadan iga laabo ku laheyn, hadal dabacsanna kula hadla marka ay waajibaadkooda ka gudanayaan” sidaasi waxaa yiri Axmed Macallin Fiqi oo ah Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya.
Wasiirku waxa uu sii raaciyay “Hay’addii Sirdoonka fadhigii waa ka kacday oo waa taas magaalada iyo duurkana howlo adag ka wada, dabagalna ku heysa dhaqdhaqaaqa Khawaarijta, haddey ahaan laheyd dhaqaale, Militery iyo baraha ay uga gudbaan saanadda Militery”.
Shacabka waa kuwaas aaminay ciidankooda, soo qaqabanaayo khawaarijta, luuq walba ay ku arkaana soo sheegaya, gobolkada dalkana kula dagaalamaya, taas oo ka dhigan in argagaxisadu uu waqtigoodii dhammaaday. Ciidamadii xoogga waa kuwaa duurka ku eryanaya haraadiga howdka ku haray, si ay gacantooda ugu keenaan Soomaaliya oo Khawaarij la’aan nool, adduunka kalena la tartanta.
Muqdisho oo hal sano nabad ahaato, ganacsatadu u baaqato baadda ay khawaarijta ka qaadaan, canshuurta ku waajibtayna ay siiyaan dowladda waxa ay u ekaan doontaa caasimad nabad ah muddo yar kadib, waxaana saaka Magaalada Muqdisho ku cusub in la aruuriyay Ciyaal Dabi Jiifyadii iyo kuwii derbiyada ku dhuuqi jiray Koolda iyo waxyaabaha Maanka dooriya, waxaana filaayaa in loo sameey doono goobo lagu dhaqan celinayo.
Waxaa kaloo jira oo hore loo waayay in lagu dhiirado soo qabashada iyo la dagaalanka Kooxaha Khawaarijta iyo Ciyaal weerada, waxaana tusaale u soo qaadaneynaa 3-dan Muwaadin oo deggan Magaalada Muqdisho waana Geesinimo ku dayasho mudan:- 3 degmo oo cirifyada Muqdisho ku kala yaalla ayay ka kala dhaceen qisooyinkan ugubka ah!.
1-Gabar ay Khawaarijtu gurigeeda isku dayeen in ay ka weeraraan ciidamada amniga oo halkaas ka ag-dhowaa ayaa iyada iyo qoyskeedii oo isku duuban ay u cuntami weysay arrinkaas, taasna ay sababtay in walaasheed ay ku dhimato, caruurtii iyo ninkeediina ay ku dhaawacmeen si ay u badbaadiyaan ciidanka, Degmadduna Waa Kaxda.
2- Wiil dhallinyaro xoogsato ah ayaa hortiisa lagu dilay Askari Booliis ah, markaas ayuu raacdeystay labadii Khawaarij ee dilka geysatay illaa uu ku guulaysto isaga iyo ciidamo booliis ah oo uu wacday in ay qabtaan labadii Khawaarij iyo hubkoodii, taasina waxay ka dhacday Demada Kaaraan.
3- Nin kale oo da’ dhexaad ah ayaa isaga iyo saaxiibkiis ay arkeen khawaarij jawaanno ku wata hub iyo bambooyin oo ay u bareereen in ay qabtaan khawaarijtii iyo hubkoodii!, tanina waxay ka dhacday Degmada Dayniile
Saddexda dhacdo inkasta oo ay meelo kale duwan ka dhaceen haddana waxay wadaagaan hal dareen oo ah shacab dhiiraday oo qeyb ka ah sugashada amnigooda, waana meesha muddada dheer lala rabay shacabka MUQDISHO inuu gaaro, iyadoo Dhammaantood dawladdu waa abaalmarisay.