Serbia oo Soomaaliya ka caawinaysa cilmiga duulista hawada

Belgrade: Danjiraha dowladda FS u fadhiya dalka Serbia Maxamed Cabdullaahi Axmed ayaa maanta waxa uu booqasho ku tagay kuliyadda lagu barto wadista gaadiidka hawadda ee (Linx Aviation Pilot ) ee ku taal magaada Belgrade.

Danjiraha ayaa  la kulan la qaatay mulkiilaha Linx ATO, ahna madaxa Akadeemiyada, Captain Mladen Petković, waxaana danjiraha iyo madaxa Linx ay ku heshiiyeen inay si dhow uga wada shaqeeyaan iskaashiga tababaridda duuliyeyaal Soomaaliyeed iyo in fursad la siiyo dhalinyaradda Soomaaliyeed, si ay u helaan mustaqbal ifaya, ugana faa’iodeystaan waxbarashada duuliyenimadda iyo Gaadiidka hawadda.