Senator sheegay in heshiisyada caalamiga aysan wax door ah kuyeelan karin dowlad goboleedyadu

Senator Cabdixakiin Macalin Axmed oo katirsan Golaha Aqalka sare oo la hadlayay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in heshiisyada caalamiga ah ay awood u leedahay oo kali ah dowladda dhexe,wax boos ahna usan uga bannaaneeyn dowlad goboleedyada dalka

Senator Cabdixakiin Macalin Axmed
“Heshiisyada caalamiga ah waxaa awood u leh inay gasho dowladda dhexe, wax door ah kuma lahan dowlad goboleedyadu, marka heshiiska ay Soomaaliya la gashay Masar waxaa dalkeena ugu jira faa’iidooyin badan.”

Saneterka ayaa tilmaamay sida ay muhiimdda u leedahay ilaa linta qaranimada midnimada ummadda si cadawga soomaaliyeed loogu midoobo.

Sanetarka ayaa waxaa kaloo intaa ku daray in soomaaliya ay faa’iida weyn ugu jirto heshiiska ay la gashay dowlada masar islamarkaan wax badan ay kusoo kordhineyso dalka.