Senator Cabdi-Qaybdiid oo dib loogu doortay Aqalka sare

Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid ayaa dib loogu doortay kursiga Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka ka dib doorasho maanta ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad goboleedka Galmudug.

Senator Cabdi Xasan Cawaale Qayb-diid ayaa ka guuleystay musharax Cawil Nuur Cali, waxaana Senator Qeybdiid codka kalsoonida siiyay 83-xildhibaan, doorashada waxaa codeeyay 83-mudane oo ka tirsan Baarlamaanka Galmudug.

Labadan kursi ayaa guud ahaanba ugu dambeeyay 54-ka kursi ee uu ka kooban yahay aqalka sare, waxaana horay loo doortay 52 kursi, oo ka mid ah Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya.