Madaxda Qaranka oo Maanta ka qeyb gashay Munaasabadda Caleemo Saarka Maamulka Gobolleed Waqooyi Bari

Laascaano(Wargeyska Dalka):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaaraha XJFS, iyo Madax kale oo ka kala socda Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedyada Dalka ayaa magaalada Laascaano ee Gobolka Sool, Caasimadda Maamul Gobolleedka Waqooyi Bari maanta uga qeybgalaya Munaasabadda Caleema-Saarka Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw Cali (Firdhiye).

Munaasabadda oo hadda socota waxaa, Sidoo kale ka qeyb ah Safiiro iyo Wakiillo ka socda Dowladaha Jabuuti, Turkiga, Sacuudiga, Suudaan, Kenya, Dowladda Deegaanka Soomaalida, iyo Marti Sharaf kale.