Saraakiisha Ciidanka Xoogga oo ku baaqay in la xoojiyo howlgallada ka dhanka ah khawaarijta

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar iyo saraakiil kale oo la socday ayaa degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud kula kulmay ciidanka qaranka ee halkaasi u jooga la dagaalanka iyo ciribtirka kooxaha khawaarijta.

Saraakiishaasi ayaa kormeeray difaacyada hore ee Ciidanka Xoogga Dalka, waxayna halkaasi kulamo gaar gaar ah oo la xiriiray dhiirigalin iyo boogaadin la qaateen Saraakiisha Ciidamada Xoogga ee ku sugan Ceeldheer.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka  ayaa Saraakiisha iyo ciidamada kale ugu hambalyeeyay guulaha ey gaareen Ciidamada Qaranka, isagoo kula dardaarmay in la sii wado howlgalada ka dhanka ah khawaarijta .

Booqashada saraakiisha ciidanka xoogga ayaa ee gobolka Gaalgaduud ayaa imaanaya xilli howlgallo lagu vaacsanaayo cadowga argagixisada uu ka socdo gobolada dalka.