Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Maxkamada gobolka Banaadir ayaa markii labaad dhageysaneyso dacwada loo heysto sarakiil katirsan hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya oo ku eedeysan Musuq maasuq.
Afartaan eedeysane oo maxkamadda Malintii labaad ay dhageysaneyso dacwadooda ayaa lagu kala magacaaba,Cabdulaahi Maxamuud Osoble, Cumar Macalim Nuur, Saabir Xasan Cabdinuur, Aadan Maxamed Cabdi oo dhamaan loo haysto xatooyo xoollo dadweyne oo lagu soo eedeyay Saraakiisha intii ay ka mid ahayen howlwadeenadda hay’adda socdaalka iyo Jinisayada Soomaaliya.
Xeer ilaalinta ayaa bishaan u soo gudbisay eedeysanayaasha maxkamadda Gobolka Banaadir,waxa ayna kamid yihiin 18-eedeysano oo xafiiska xeer ilaalintu ku soo eedeyay falal la xiriira Musuq maasuq.
Waxana horay loo dhageystay dacwada 9-kamid ah eedeysanayasha iyo 8-maqanayaal ah oo Maxkamadda ay Baafin Saartay,islamarkana la rajeynayo in mudda saddon maalin ah gudahood ay maxkamadda ku horyimadaan.
Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horay u sheegay in aysan marnaba aqbali doonin in la musuq maasuqo hantida ummadda ee ay dowladda mas’uulka ka tahay.