Wasaaradda Amniga Gudaha Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa tababar dib-u-xoojin aqooneed iyo xirfadeed u qabatay saraakiil iyo xubno ka tirsan Ciidanka Booliska Galmudug.
Tababarkan ayaa ujeeddadiisu tahay kor u qaadista aqoonta, xirfadaha shaqo iyo tayada hawlgal ee ciidamada, si loo xoojiyo awoodooda gudashada waajibaadka amni iyo adeegga bulshada.
Tababarka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta aqoonta boolisnimo, anshaxa iyo hab-dhaqanka xirfadeed, iyo horumarinta kartida ciidamada ee ilaalinta sharciga iyo sugidda amniga bulshada.








La wadaag

