Sanatar Shacbaan oo ku guuleystay xilka Guddoomiye ku xigeenka Aqalka sare

Xildhibaan, Cali Shacbaan Ibraahim ayaa ku guuleystay xilka guddoomiye ku xigeenka Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Wareegii koobada ee tartanka musharaxiinta ayaa waxay kala heleen Cali shacbaan Ibraahim 26 Cod, Cabdixakiin Macalin Axmed  27 Cod waxaana hallaabay hal cod, iyadoo la aaday wareeg labad.

Wareeggii labaad ayuu Sanatar, Cali Shacbaan Ibraahim helay 28 , halka xildhibaan Cabdixakiin Macallin Axmed uu helay 25, halka cod ka mid ahna uu hallaabay.

Guddiga doorashada ayaa ku dhowaaqay guusha Shacbaan oo Afarta sana ee soo socota noqon doona guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Aqalka sare.