Salaad Roobdoon ah oo maanta laga tukaday degmada Xuddur

Kumanaan qof oo ka mid ah dad weynaha ku dhaqan magaalada Xuddur ee caasimadda gobolka Bakool ayaa maanta halkaasi ka oogay salaad roob doon ah.

Salaadda roob doonka ah oo ay soo qaban-qaabiyeen Culimaa’udiinka magaalada Xuddur ayaa laga jeediyay khudbado ku saabsan cabsida Alle iyo in ay dadku is-cafiyaan si uu rabbi usiiyo raxmaddiisa.

Culimada ka hadashay halkaasi waxay aad ugu dheeraadeen dhibaatada jirta oo ay sheegeen in umadda gacmahooda ku kasbadeen iyo sida looga bix ikaro oo ah in xagga Alle loo noqdo.

Salaaddan roob doonka ah ee maanta laga tukaday magaalada Xuddur ayaa imanaysa iyadoo inta badan dhulka Soomaaliya ay ka jirto abaar xooggan.