Baydhabo(Wargeyska Dalka);-Boqolaal ka mid ah Shacabka iyo Culimada magaalada Baydhabo ayaa maanta goob fagaara ah ku tukaday Salaad Roob doon ah.Salaadda kadib Culimada iyo Bulshada ayaa Alle ka baryay Roob, naxariis iyo barwaaqo.Abaar daran ayaa ku dhufatay qeybo ka mid ah Gobolada Koofurta, Bartamaha iyo Waqooyiga Soomaaliya,taas oo sababtay in dadka intooda badan ay u soo hayaamaan Magaalooyinka, kadib markii ay abaarta ku waayeen xoolihii ay dhaqan jireen.

