Sahmintii Shidaalka oo heer gabagabo ah soo gaaray (WARBIXIN)

Markab laga leeyahay dalka Turkiga oo lagu magacaabo Oruc Reis ayaa hadda waxa uu baaritaanno Seismic ah oo Seddex geesood ah ka wada deegaanno ka tirsan Xeebaha Soomaaliya, iyadoo heshiiskan uu qeyb ka ahaa heshiis hore. Oruc Reis uu horay u dhammaystiray ku dhawaad ​​78% howsha sahaminta, Bayraktar wuxuu yiri: “Dhammaadka bisha May, waxaan ku dhammeyn doonnaa daraasadaha Seismic-ka halkaas”. “Iyada oo ku saleysan xogta la uruuriyay, waxaan gaari doonaa go’aankayaga ku saabsan Wejiga xiga, kaasi oo ah qodista,” ayuu yiri.

Bayraktar waxa kale oo uu daboolka ka qaaday in magaalada Istanbul ay martigelin doonto Shirka Khayraadka Dabiiciga ah ee Caalamiga ah bisha May 2-deeda. Wasiiro iyo shirkado ay khusayso oo ka kala socda daafaha caalamka ayaa isugu iman doona, xafladaasina ayaa looga gol leeyahay in kor loogu qaado iskaashiga, gaar ahaan dhinaca Shidaalka, Gaasta dabiiciga ah, iyo Macdanta.

“Dhammaanteen waxay noo tahay maalin taariikhi ah” ayuu yiri Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya mudane Daahir Shire Maxamed, wuxuuna sheegay in koox loo abaabuli doono, si ay Soomaaliya u aadaan, si ay u qiimeeyaan oo ay ugu diyaar garoobaan shaqada weyn ee hortaala.”  Sida uu sheegeen, Madaxweynayaasha Turkiga iyo Soomaaliya “waxaa ka go’an inay Soomaaliya gaarsiiyaan heer ka duwan kuwii hore.

‘Iskaashiga mustaqbalka’, Wasiirka Soomaaliya ayaa yiri: “Waxaan sidoo kale ka fekereynaa kheyraadka kale sida Macdanta.” Waxa uu sheegay in marka la sameeyo aasaaska sharci ee lagama maarmaanka ah, shirkadaha macdanta ee Turkiga ay soo geli karaan Soomaaliya, si ay heshiisyo iyo qandaraasyo u sameeyaan.

Haddaba bishan 2-deedii ayaa Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daahir Shire Maxamed, oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Maxamad Xaashi Carabeey, ayay shir-doceedyo miro-dhal ah la yeeshay Wasiirro ka kala socday dalalka Azerbaijan, Ciraaq, iyo Libya, xilli uu socday shirka caalamiga ah ee “Istanbul Natural Resources Summit”.

Kulammadan ayaa diiradda lagu saaray:-

1.Horumarinta xiriirka iyo iskaashiga laba geesoodka ah.

2.Tababarka iyo dhisidda awoodda shaqaalaha Soomaaliyeed
Wada-shaqeyn istiraatiiji ah oo ku saabsan sahminta.

3. iyo ka faa’iideysiga kheyraadka dabiiciga ah
Is-dhaafsiga waayo-aragnimada iyo kor u qaadista xirfadaha farsamo

Wasiir Daahir Shire Maxamed ayaa madasha uga faa’iideystay fursad uu si qoto dheer ugala hadlo dhiggiisa sidii loo xoojin lahaa xiriirka Soomaaliya ay la leedahay dalalkan, si loo abuuro iskaashi muuqda oo horumarin kara kheyraadka dalka.

Kulammadan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ku raadinayso iskaashi caalami ah oo wax-ku-ool ah, si sare loogu qaado dhaqaalaha dalka iyo adeegyada la xiriira Batroolka iyo Macdanta.

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya mudane Daahir Shire Maxamed oo ka qeyb galayay Shirka Kheyraadka Dabiiciga ah ee Istanbul ka socda, ayaa shaaca ka qaaday in dhowaan ay Soomaaliya ay soo saaran doonto Shidaalka ku jira dhulkeeda, waxa uuna xusay in dadaallada sahaminta Shidaalka ay sii dardargelinayaan, isagoo carrabka ku dhuftay in Soomaaliya ay iskaashi la leedahay Dowlada Turkiga iyo saaxiibbada kale Caalamka, si loo xoojiyo waxsoosaarka khayraadka dalka iyo Kobaca Dhaqaalaha Soomaaliya.

Shirkaan arrimaha Kheyraadka dabiiciga looga hadlaayay ee ka dhacayay Istanbul, ayaa sanadkaan halkudhiggiisu waxaa uu ahaa Doorka Isbeddelka Tamarta Macdanta iyo xoojinta iskaashiga caalamiga ah, ee ku aaddan Macdanta, iyada oo lagu saleynayo baahida dunida ee Tamarta nadiif ka ah iyo Macdanta waarta.

Shirkaan intii uu socday waxaa jiray doodo oo ay ka qayb qaadanayeen Wasiirrada Macdanta ee dalalka Niger, Libya, Hungry, Azerbaijan iyo Saudi Arabia iyo Soomaaliya, iyadoo uu dooda qaybinayay Wasiirka Tamarta ee dalka Turkiga Alparslan Bayraktar, waxaana ugu dambeyntiina Wasiir Bayraktar ayaa dhankiisa adkeeyay in dawladda Turkigu, ay marwalba garab taagan tahay dowladda Soomaaliya, sidii ay ula soo bixi laheyd Shidaalka dihan ee dhex ceegaaga dhulkeeda.

Dhinaca kale Ilo dhanka Dowladda Turkiga ah oo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in sahminta Batroolka iyo Gaaska ee ay Dowladda Turkiga ka waddo Badda Soomaaliya uu haatan gebogebo ku dhaw yahay, xogta laga helayo baaritaanka horudhacana uu muujinayo :

– In seddexdii Ceel labo ka mid ah baaritaankooda la dhameeyay, halka midka seddexaadna uu haatan gabagabo ku socdo.

– In boqolkiiba 90% baaritaanka la sameeyay uu muujinayo in Gaas ganacsi noqon karo laga helay labada Ceel.

-In dhameystirka Ceelka seddexaad uu qaadan karo ilaa bisha sideedaad (Agosto) ee saandkan.

-In halkii Ceel ay suurtagal tahay in laga helo ilaa 10 bilyan oo fuusto oo Gaas Ganacsi ah.

-In nooca Gaaska iyo qiyaasta rasmiga la ogaan karo marka :
– Ceelasha Afka laga dilaaciyo

-Iyo marka xogta baaritaan ee 3D lagu soo qiimeeyo sheybaarada Gaaska iyo Shidaalka, sida ay qortay Wakaaladda Wararaka dalka Turkiye ee Anadolu.

By. C/laahi Ruush