Safiirka Turkiye “Soomaalidu waxay noo muujiyeen Hiil Walaalnimo” (WARBIXIN)

Soomaalidu dhaqan ahaa waa Dad deeqsiyaal ah, marka ay timaado is caawinta, waxaana tusaale u soo qaadan karnaa marka ay iyaga dhexdooda isu samafalaan, Soomaalidu waa Reer Guuraa, marka ay safrayaan ma qaadan jirin wax sahay ah, waxayna kolba cidda ugu horreysa u soo marti jireen, kuwaasi oo u looga hadba waxa ay hayaan, habeenkaasi hakaasi ayuu ku hoydaa ilaa uu subaxii dambe ka sii kalaha, sidaasi ayuu ku gaaraa ilaa meesha uu doono.

Dhinaca kaalmeynta Wadamada kale ee dunida ayay kaalmo mug leh ka qaadan jireen, waxayna deeqo iyo sadaqo gaarsiin jireen dalalka Carabta, sida ay sheegeen Culumo aqoon durugsan u leh taariikhda, islamarkaana ka sheekeeyay sida Ummadda Soomaaliyeed ay waligoodba loogu yaqaan marti soorka iyo u kaalmeynta dadka u soo martiya, waana ku caan Shacabka Soomaaliyeed arrintaasi, mana ah wax ay iyagu isku faaninayaan ee waa wax u dhasheen oo soo jireen ay ka sdhaxleen Awoowayaashood.

Haddii aan gudagalo dulucda warbixinta muxuu yahay Xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiye?, waa xiriir diblomaasi iyo mid bulsho ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiye, kaasi oo ah mid taariikhdiisa fog tahay ama fac weyn tahay, waxaaana ku soo xasuusan karnaa dawladii Cusmaaniga oo uu hogaaminaye Cusmaan oo soo gaaray koonfurta dalka Soomaaliya, taasi oo aheyd dowlad islaam ah oo ka dhisneed dalka turkiga magaalo madaxna u aheyd istanbul ayaa dawladaan ayaa Soomaaliya ka talineyse ku dhawaad 300 oo sano.

Xiriirkii wanaagsanaa ee u dhaxeeyay Turkiga iyo dalka Soomaaliya waxa uu hakad galay, kaddib markii ay burburtay dawladii Cusmaaniyiinta lana aasaasay jamhuuriyaddii Turkiga sannadkii 1923.Turkiga waxa uu markii ugu horreysay xafiis siyaasadeed ka furtay Soomaaliya 1979, waxa uuna shaqeynayay ilaa iyo markii uu Qarankii Soomaaliyeed bur-buray sanadkii 1991-kii.

Mar kale ayuu xiriirku soo laabtay, waxay aheyd goor dalka dhibaato badani ka jirtay abaar iyo colaad bishi July sannadkii 2011-kii, iyadoo ay Qaramada Midoobay ku dhawaaqday in macluuli ka jirto gobolada koonfureed ee Soomaaliya Bakool iyo Shabeelada hoose, markii dambe abaartu waxay ku fiday gobolo kale sida Shabeelada Dhexe, Dawladda dalka ka jirtay waxay aheyd ku meel gaar , awoodeeda inay ka jawaabto macaluusha ayaa iska xadidneyd, caasimadda qeybo ka mid ah waxaa ka socday dagaal toos ah, badi gobalada siiba meelaha abaabrtu aadka u saameysay waxaa gacanta ku hayay Kooxda Khawaarijta ah ee Alshabab.

Recep Tayyip Erdogan, Madaxweynaha dalka Turkige oo xilligaas Ra’iisulwasaare ahaa ayaa ku dhiiraday inuu ka soo dego Muqdisho oo loo arkayay meel halis ah, waxa uu xeradooda ugu tagay dhibbenayaashii ama Barakacayaashii abaarta, waxa uu ahaa ficil dareenkiisa leh, Imaantinkiisu waxay furitaan u aheyd xiriirka labada dal, dhinaca kale waxay kalsooni siisay dawladihii ka didsanaa ama ka cabsanayay Soomaaliya, waxaana durba bilowday in Dawlado waaweyn oo ay ka mid yihiin Mareykanka, Britain, China, Dunida Muslimkas iyo kuwo kale ay bilaabaan inay xiriir diblomaasi la yeeshaan Soomaaliya, sidaa darteed dawladda Turkiye waxay geed-qaaday kayntii cabsida ee ku dadneyd dalka, Quwadaha dunidana kama qarsooneyn dhibaataas, hase ahaatee kuma aysan soo deg degin wax ka qabashada dhibaatadaasi, balse mar qura waxaa lagu baraarugay dawladda Turkiga oo hawlo samafal ah ka bilowday dalka.

Markii uu ka dhacay dhulgariirkii aadka u daraa Dalkaasi Turkiye ayay dunidu u gurmatay, gacan ka geysashada dhibaatadaasi ka dhacday Dalka gaar ahaan Gobolada Dalkaasi qaarkood, sidaasi awgeed Soomaaliya Masuuliyiinteeda ee uu ugu horreeyo Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa Shacbiga iyo Madaxda Dalkaasi u diray dhambaallo tacsi ah, iyagoo u muujiyay sida ay uga xun yihiin waxa ka dhacay halkaasi, “waana la qeybsaneynaa murugada” ayay ku yiraahdeen Dhambaaladooda, waxaana dhawaan la bilaabay dhaqaale ururin la doonayo in lagula garab istaago Walaaaha Turkiye ee waxyeeladu ka soo gaartay dhulgariirka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa daah-furay ololaha taakulaynta iyo gurmadka dowladda iyo shacabka aan walaalaha nahay ee Tukiga, kuwaas oo ay dhibaato baaxad wayni ka soo gaartay dhulgariirkii dhawaan dalkaas ku dhuftay, waxaana Kulan qaaraan loogu ururinayo shacabka iyo walaalaha ee Turkiye uuna soo qabanqaabiyey Gudddiga heer Qaran ee Ra’iisul Wasaare Xamse u magacaabay gurmadka Turkiga, ayna ka soo qaybgaleen Wasiiro, ganacsato, Culimaa’udiin, madaxda dhaqanka iyo bulshada qaybaheeda kala duwan ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Guddiga Qaran ee gurmadka dhul-gariirkii dhawaan ku dhuftay dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga ayaa shaaciyay Akoonnada ay bulshada Soomaaliyeed uga qeyb qaada karaan gurmadka oo lacagaha ay ku soo diri karaan, waxaana bilaabay Dowladda Soomaaliya ayaa ku bilowday 1 Milyan oo Doolar, halka Ganacsatada Soomaaliyeed qaar ku yaboohay ugu yaraan 3 Milyan oo Doollar, halka Maamulka Gobolka Banaadirna uu yaboohay $250.000 oo dollar ugu deeqay dhul gariirka Dalka Turkey ka dhacay, waxaa kaloo jira in Shirkadda Dahabshiil Group ay ugu deeqday 2,000,000 TL oo ah lacagta Dalka Turkiye iyo dadka walaalaheen ee ku waxyeeloobay dhulgariirkii ka dhacay türkiye oo u dhiganta 106,005.20 United States Dollar, sidoo kale ayay Jaamcadda ZamZam ugu deeqday Dalkaasi lacag dhan 50 kun oo dollar.

Safaaradda waxay uga mahadcelinaysaa is garab istaagga iyo taageerada Soomaaliya ay u fidisay dhibanayaashii dhulgariirkii ka dhacay Turkiga, oo uu hindisay H.E. Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo H.E. Xamza Cabdi Barre Raiisulwasaaradaha Xukuumadda.

Dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa Shacabkeeda ayaa waxay dhawaan Dowladda Turkiye gaarsiisay lacag gaaraysa ku dhawaad 5 Milyan oo doolar, taasi oo ah wajiga 1-aad ee taakuleynta Walaalaha waxyeeladu ka soo gaartay dhulgariirkii ku dhiftay qaarka mid ah Gobolada Dalkaasi, “ waa yar tahay balse qiimaheeda yay leedahay lacagtaasi la gaarsiiyay Dadka aan walaalaha nahay ee Turkiye, intaas ka badan ayaya naga istaahilaan balse tabarteenna ayaa na dhigtay meeshaasi”, sidaasi waxaa yiri Prof. Cusmaan Cali Cali Yuusuf oo ah falanqeeye arrimaha xiriirka Caalamka.

Dhawaan dalka Turkiga waxaa ka dhacay dhul gariir aad u xoogan kaa oo ay ku dhinteen dad gaaraya 45,960,dhaawaca iyo hanti badan oo ku bur-burtay taas oo dalalka caalamka bilaabeen sidii gurmad loo gaarsiin lahaa dadka halkaas dhibka kasoo gaaray.

Munaasabad lagu qabtay Muqdisho oo ay ka qayb galeen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee BJFS Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ganacsato iyo xubnno ka socday beesha caalamka ayaa dowladda Turkiga loogu guddoonsiiyay lacagtan oo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga qayb qaadanayaan gurmadka cadadka lacagtan ayaa dhamad $4,818,477 dollar, una dhiganta ku dhawaad 100 milyan oo lacagta Turkiga ah ee Lira taasi oo laga soo uruuriyey Shacabka Soomaaliyeed, 20-kii maalmood ee la soo dhaafay.

Ra’iisul Wasaaraha oo munaasabadaasi ks hadlay goobtaasi ayaa tilmaamay in tani ay adduunka tusayso in shacabka Soomaaliyeed markooda u gurman karaan cid kasta oo garab uga baahata xilliyada adag, Isagoo mar kale dowladda iyo walaalaha Turkiga uga tacsiyadeeyey dadkii tiradda badnaa ee ay ku waayeen musiibadii haleeshay, waxaa kaloo munaasabadaasi ka hadlay Danjiraha Dowladda Turkiye ee Soomaaliya Ibrahim Mete Yagli oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in shacabka Turkiga iyo dowladooda ay Soomaaliya u soo gurmadeen wakhti ay xaaladu aad u adkeyd isla-markaana hadda dadka Soomaaliyeed iyo dowladooda ay Walaalahooda turkiye u muujiyeen garab istaag dhaqaale iyo dareen walaalnimo oo aad u qiimo badan, “ lacagtaani qiima ahaan annaga waanagu badan tahay, waxaad noo muujiseen Walaaltinimada ka dhexeysa labada Dal iyo labada Shacbi, waxaad kaloo noo muujiseen hiil Walaasnimo” ayuu sii raaciyay Safiirka.