Safiirka Turkiga ee JFS oo ka qeyb-galay xuska aas-aas-ka Midowga Afrika

Safiirka Turkiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Fatxu-diin Maxamed Cali ayaa shalay kaga qayb galay magaalada Ankara xaflad aad loo soo abaabulay oo lagu xusayay 61-guuradi ka soo wareegtay aasaaskii Ururka Midowga Africa.

Munaasabadda oo heerkeedu sarreeyo waxaa ka qeyb-galay danjirayaasha Afrikaanka ah, iyo madax kale oo ka socday dowlada Türkiye, iyadoo madasha laga sheegay muhiimadda midnimada iyo wadajirka qaaradda u leedahay horumarka dadkeeda.

Xaflado lagu wayneynayo maalinta wayn ee aas-aas-ka Midowga Afrika ee ku beegan 25-ka May 1963 ayaa ka kala dhacaya gudaha iyo meelo badan ee dalka dibadiisa ah kuwaas oo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.