Safiirka Soomaaliya u fadhiya Turkiga oo magaalada Ankara kaga qeyb galay munaasabad qado sharaf ah

Ankara: Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga Mudane Fatxudiin Cali Maxamed ayaa shalay ka qeyb galay munaasabad qado sharaf ah oo uu Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Mudane Hakan Fidan u sameeyay safiirrada dalalka Jaamacadda Carabta u fadhiya magaalada Ankara ee dalka Turkiga.

Munaasabada ayaa waxaa goob joog ka ahaa safiirro iyo wakiilo ka socday dalalka Carabta, waxaana la isku dhaafsaday aragtiyo la xiriira danaha guud iyo iskaashiga Turkiga iyo dalalka Carabta.

Kulamadan ayaa lagu tiriyaa inay qayb ka yihiin dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga iyo isfahamka ka dhexeeya Turkiga iyo dalalka Carabta ee dhinacyada kala duwan, si ay gacan uga geystaan ​​horumarinta nabadda, xasilloonida iyo horumarka gobolka.