Budapest(Wargeyska Dalka):-Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Dalka Jarmalka, Ambassador Cabdulcasiis Maxamuud Maxamed Farabadan, oo sidoo kale ah Safiirka Soomaaliya ee Poland, ayaa maanta si rasmi ah loogu guddoomay Warqadihiisa Aqoonsiga Safiirnimo ee Dalka Hungary.
Munaasabadda guddoonka Warqadaha Aqoonsiga ayaa ka dhacday Magaalada Budapest, halkaas oo Safiir Farabadane uu Warqadihiisa Aqoonsiga ku wareejiyay Madaxweynaha Hungary, Mudane Tamás Sulyok.
Safiirka ayaa Madaxweynaha Hungary u gudbiyay Salaam iyo Farriin uu ka siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isaga oo adkeeyay muhiimadda ay Soomaaliya siinayso xoojinta Xiriirka Diblomaasiyadeed, Iskaashiga Dhaqaale, Wada Shaqeynta dhinacyada Horumarinta, Ganacsiga iyo Waxbarashada ee u dhexeeya Labada Dal.
Dhankiisa Madaxweynaha Hungary Tamás Sulyok ayaa soo dhoweeyay Safiirka cusub, isaga oo muujiyay sida ay uga go’an tahay Dowladda Hungary in la sii xoojiyo Xiriirka iyo Iskaashiga kala dhexeeya Soomaaliya.
Ambassador Cabdulcasiis Farabadane ayaa haatan Soomaaliya uga wakiil ah saddex dal oo Yurub ah Jarmalka, Poland iyo Hungary taas oo muujinaysa dadaalka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan ballaarinta xiriirrada Diblomaasiyadeed iyo kor u qaadidda matalaadda Caalamiga ah.


