Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Ambassador Cabdullaahi Warfaa oo mudooyinkii danbe ku hawlanaa dar-dar gelinta arrimaha diplomaasiyadeed ee uu ka hayo dalkaas Ethiopia ayaa la kulmay safiirada dalalka Imaaraatka iyo Romania H. E Amb Mohamed Al Rashiid iyo Amb Julia Pataki waxayna isku afgarteen adkaynta xiriirka qotoda dheer ee u dhexeeya saddexda dal.
Safiir Warfaa ayaa danjiraha Romania si gaar ah ugala hadlay arrimaha waxbarashada isagoo tilmaamay muhiimada ay leedahay sidii Dawladda Romania ay Soomaaliya uga caawin lahayd dhinaca deeqaha waxbarashada ee heer Jaamacadeed.


