Safiirka Soomaaliya ee Turkiga oo soo dhoweeyay gabar Soomaaliyeed oo xubin ka ah baarlamaanka Gobolka Maine ee dalka Mareykanka

Maamulka Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Turkiga ayaa maanta xaflad soo dhaweyn ah u sameeyay Deeqa Cabdi Dhalac oo kamid ah xildhibaanada gobolka Maine ee dalka Mareykanka

Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga Jamac Ceydiid iyo Madaxa Qubsulka Suleymaan kaarshe,ayaa soo dhoweyntaasi kadib munaasabad qado sharaf ah u sameeyay Deeqa Dhalac oo sidoo kale ah duqa magaaladda South Portland ee gobolka Maine ee dalka Mareykanka.

Xafladdaasi oo ka dhacday xarunta safaaradda ee Magaalada Ankara,waxaa la isku dhaafsaday hadallo warbixin ah oo khuseeyay howsha safaaradda iyo guud ahaan arrimo la xiriiray dalka.