Kinshasa Kongo DRC-(Wargeyska Dalka)-Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Tanzania iyo EAC Mudane Ilyas Cali Xasan, ayaa waxaa waraaqaha aqoonsiga danjirnimo ee dalka DRC Congo ka guddoomey Wasiirka Arrimaha dibadda dalkaas, Marwo Thérése Kayikwamba Wagner.
Danjire Ilyas iyo Wasiiradda ayaa kawada hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashi ee ka dhaxeeya labada dal, gaar ahaan dhinacyada nabadda gobolka, fursadaha ganacsiga, fududeynta socdaalka iyo in xabsiyada dalkaas laga sii daayo muwaaddiniinta Soomaaliyeed ee ku xiran.
Ugu danbeyn, waxaa kulanka labada dhinac lagu dhiirigeliyay kor u qaadidda maalgashiga, dhinacyada kala duwan ee ganacsiga iyo sidii looga wada shaqeyn lahaa howlaha fududeynta dal ku galka iyo sharciyada deganaanshaha ee muwaaddiniinta Soomaaliyeed.