Safiirka Soomaaliya ee Suudaan iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle oo la kulmay madaxda Dalkaasi

Danjiraha Safaarada Soomaaliya ee Dalka Suudan Amb Maxamed  Sheikh Isxaaq iyo wafdi uu hoggaaminaayey Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle,Dr Cabdi Xakiim Luqaam ayaa maanta kulan la qaatay Xubin Katirsan Golaha Sare ee ka arrimiyo Dalka Suudan,taasi oo lagu magacaabo Marwo Caasho Muuse Saciid.

kulanka ayaa ka dhacay Xarunta  Qasrigga Madaxtooyadda Dalka Suudan, halkaas oo ay goob jooga ahaa Agaasimaha Guud ee madaxtooyada Raami  Ma’muun Bashiir iyo Madaxa Ganacsiga Safaarada Soomaaliya Dalka Suudan Yusuf Axmed Xasan (Yusuf Jeego)

Gudoomiyaha ayaa warbixin Guud ka siiyay xaalada Guud Dalka Soomaaliya iyo Midda Hirshabelle iyi xiriirka xoogan  ee u dhaxeeya labada dowladood Sooamaliya iyo Suudan.

Danjiraha Safaarada Soomaaliya ee Dalka Suudan Amb. Maxamed sheikh Isxaaq ayaa umahadceliyay dowlada Sudan sida muuqata ee ay u garab taaganyihiin  waqti walba dowlada  iyo shacabka Soomaaliyeed.

Marwo Caasho Muuse saciid oo ah xubin ka mid ah Golaha sare ee  ka arrimiyo Dalka Suudan ayaa soo dhaweysay booqashada Gudoomiyaha iyo Danjiraha u fadhiya dowlada Soomaaliya Dalka Suudan, iyadoo xaqiijisay inay muhiim tahay  Guud ahaan horumarinta iyo xiriirarka labada dal,gaar  ahaan horumarinta Ganacsiga iyo dhamaan kaaabayaasha dhaqaalaha ee labada wadan, sidoo kale xiirka walalanimo iyo Dhamaan danaha labada dowladood Soomaaliya iyo Suudan.

Gabagabadii Kulanka laba dhinac ayaa ku soo idalaay is -afgarad wanaagsan.