Safiirka Soomaaliya ee Rwanda oo shir la qaatay Jaaliyadda Soomaalida ee dalkaasi

Safiirka Dowladda Soomaaliya ee dalalka Tanzania iyo Rwanda Mudane Ilyaas Cali Xasan ayaa kulan isugu jiray soo dhaweyn iyo xogwareysi la qaatay qaar kamid ah Soomaalida ku nool dalka Rwanda kuwaas oo isugu jira Ganacsato iyo Arday.

Safiir Ilyaas ayaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Rwanda u sheegay in wixii hadda ka dambeeya ay heli doonaan dhammaan adeegyada ay u baahan yihiin, kuwaas oo ay bixin doonaan maamulka  Safaaradda Soomaalida ee halkaasi.

Safiirka ayaa yiri “Rwanda waxa ay  kamid tahay Wadamada ay tagi karaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee heysta Baasaboorka Soomaaliga,wuxuuna intaa ku daray in dadka safarka ah aan looga baahneyn wax Visa ah ama dal-kugal .

Safiirka Dowladda Soomaaliya ee dalalka Tanzania iyo Rwanda Mudane Ilyaas Cali Xasan ayaa caddeeyay in ay xoojin doonaan sidii ardayda Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen qiimo dhimis lamid ah midka ay helaan ardeyda kale ee ka yimaada wadamada katirsan Urur Gobaleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC)”.