Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo Xafiiskiisa ku qaabilay Ku-xigeenka Madaxa Olombikada Soomaaliyeed

Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Jabril Ibrahim Abdulle ayaa xarunta Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ku soo dhaweeyay Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Olombikada Soomaaliyeed Duraan Axmed Faarax oo booqasho salaan ah ku tegay xarunta.

Danjire Jabriil iyo Guddoomiye Duraan ayaa salaam kadib ka wada hadlay horumarinta cayaaraha dalka iyo sidii loo garab istaagi lahaa dhalinta magaca u soo hooysay dalkeenna.

Danjiraha ayaa uga warbixiyay kulankii dhiirigelinta ahaa ee uu Eldoret kula qaatay cayaartooyda da’yarta ah Qaranka Soomaaliyeed kuwaasi oo tababaro ku qaadanayay magaalada Eldoret, baahiyaha ay qabaan iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay in la garab istaago, maadaama ay Safaaraddu haatanba gacanta ku heyso ka war qabkooda.

Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Olombikada Soomaaliyeed Duraan Axmed Faarax ayaa qiray in Danjire Jabril iyo diblomaasiyiinta Safaaraddu hawlaha ay u bulshada u qabtaan aysan ku koobneyn dhanka diblomaasiyadda oo kaliya ee ay dhexda u xirteen daryeelka bulshada Soomaaliyeed meelkasta oo ay dalka Kenya kaga suganyihiin.