Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo kulan la qaatay danjiraha dowladda Venezuela u fadhiya Kenya

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan ee Dowladda Kenya mudane Maxamuud Axmed Nuur ayaa maanta kulan la qaatay danjiraha dowladda Venezuela u fadhiya Kenya Danjire Jesus Agustin Manzanilla Puppo. Labada safiir ayaa kulankooda diiradda ku saaray xariirka iskaashi ee labada dowladood, iyadoo ka wadda hadlay horumarinta cilaaqaadka labada dal.

Danjire Jesus Agustin Manzanilla Puppo ayaa sidoo kale ah safiirka magacaaban ee Venezuela u qaabilsan Soomaaliya.