Danjire Axmed Jaamac Cumar Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhin doonaa dalka Sudan ayaa noqday safiirkii ugu horeeyey ee waraaqadaha aqoonsiga Danjirenimo looga guddoomo Madaxtooyada dalka Sudan tan iyo markii ay dagaalladu ka dhaceen dalkaasi.
Waxaa warqadaha Danjirenimo ka guddoomay Guddoomiyaha Golaha Ku-meel-gaarka ah iyo Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Jeneraal Abdel Fattah al-Burhan.
In safiirkeenna uu noqdo danjiraha ugu horeeya ee Madaxtooyada Khartoum looga guddoomo warqadaha Danjirenimo waxa ay ka turjumeysaa xiriirka qotada dheer ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Sudan.




