Safiirka Aan Deggenayn ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Brazil Mudane Dr. Cumar Dufle, ayaa maanta Madaxweynaha Brazil, Luiz Inácio Lula da Silva, gudbiyay waraaqihiisa aqoonsiga, taas oo si rasmi ah u ugu oggolaaneysa billowga hawshiisa diblomaasiyadeed.
Dowladda JFS Soomaaliya waxay ka mid ahayd 14 dal oo safiirradoodu waraaqaha aqoonsiga u gudbiyey Madaxweynaha Brazil, munaasabadda oo aheyd mid muujineysay sida ay dowladda Brazil uga go’an tahay xoojinta wada hadalka, iskaashiga caalamiga ah, iyo iskaashiyo ku dhisan is ixtiraam iyo danaha dalalka oo la wadaago.
Gudbinta waraaqaha aqoonsigu waxay astaan u tahay tallaabooyinka muhiimka ah ee lagu xoojinayo xiriirka Dowladaha Soomaaliya iyo Brazil, iyada oo fureysa fursado cusub oo dhinacyada wada hadalka siyaasadeed, iskaashiga horumarinta, ganacsiga, waxbarashada, beeraha, iyo guud ahaan iskaashiga Koonfurta (South Cooperation).

