Safiirka Maraykanka u jooga Soomaliya oo ka hadlay doorkooda taageero siinta hawlgalada dalka looga xorraynayo khawaariijta

Safiirka dowaladda Maraykanka u jooga Soomaliya Amb Larry Andre oo ay waraysi gaar ah la yeelatay warbaahinta qaranka ayaa ka hadlay doorka Dowladda maraykanka ee taageero siinta dowlad dhiska Soomaaliya,hawlgalada dalka looga xorraynayo kooxaha khawaariijta iyo iskaashiga dhaqan dhaqaale/siyaasaddeed ee dowladdaha Marayakanka iyo Soomaliya.

Safiirka ayaa sheegay in dowladda Maraykanku xiriir qoto dheer la leedahay dowladda Soomaliya kaas oo ku dhisan dhinacyadda siyaasadda,dhaqalaha iyo Amniga,safiirka ayaa sheegay in Maraykanku door weyn ka qaadanayo taageerida dowlad dhiska Soomaliya iyo qorshaha dib u xorraynta dalka oo uu hormuudka yahay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud,safiirka ayaa ku bogaadiyey dowladda Soomaliya qorshaha Cusub ee dib u xorraynta dalka kaas oo si weyn u wiiqay awooddii kooxdaha khawaariijta ee dhinacyadda dhaqaalaha iyo deegaanaddii ay gacanta ku hayeen oo laga xorreeyey,safiirka ayaa sheegay in tani guul weyn u tahay in laga qaado shacabka Soomaaliyeed dhibaatooyinkii ay ku haysay kooxda Al-shabaab”dowladda mareykanka waxay ku faraxsan tahay in ay qeyb ka ahaato garab istaaga Soomaaliya, sida ururada kale ee caalamiga ah, sida saaxiibada, Turkiga, Britain,Qaramada midoobey iyo Amisom, iyadoo 18,500 ciidan lagu qiyasay ay joogaan dalka.” Ayuu yiri Amb Larry safiirka Maraykanka u jooga Soomaliya.

Mar la waydiiyey safiirka doorka dowladda Maraykanka ee hawlgalada dalka socda ayaa wuxuu sheegay in ay taageero siiyaan ciidanka qaranka Soomaaliya, sidoo kalena ay taageero siiyaan ciidamada kale ee dowlad goboleedyadu u gaarka ah,iyadoo dowladda Maraykanku ka taageerto dhinacyada tababarka iyo qalabaynta,safiirka ayaa sheegay in dowladda Maraykanku horaantii bishan ay ku dhawaaqday adduun maaliyaddeed oo gaaraya 9 milyan oo dollar taas oo lagu fulinayo taakulo militari,dhinaca kale safiirka ayaa sheegay in dowladda Maraykanku gacan ka geysanayso xasilinta goobaha laga xorreeyey khawaariijta iyadoo u maraysa heya’addaha kala duwan ee dowladda Soomaliya.