Safiirka jamuuriyadda federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Sudan Maxamed Sheekh Isaaq ayaa xaqiijiyay in ciidamada mucaaradka dalkaas ay galeen xarunta safaaradda Soomaaliya ee ku leedahay dalka sudan, ayna jajabiyeen ciidamada albaabada oo dhan.
Safiirka oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in xiliga falka dhacayay uusan ku sugneyn safaaradda balsa sid ay u shegeen ilaalada safarada iyo dad daris la ahaa ay ciidamada gudaha u galeen xarunta safaaradda islamarkaana ay jajabiyeen albaabadii safaaradda,balsa aysan jirin wax agab ama dukumiintiyo ah oo laga qaatay safaaradda sid dadka dariska ah ay la wadageen,waxa sidoo kale sheegay safiirka in madaama xarunta safaaradda cidna aysan joogin xiliga lagalayay anan si dhab ah loo xaqiijin karin in ciidmada ay bililiqeysteen safaaradda balsa dib laga ogaan doono.
Safiirka ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliya ay dadaal badan ku bixisay sidii muwaadiniinta soomaaliyeed looga soo saari lahaa dalka Sudan,ilaa iyo hadana aysan jirin in qof soomaaliyeed ay waxyeello ka soo gaartay dagaalada ka socda dalka sudaan.
Bayaan ka soo baxay Taliska Ciiddanka Dowladda Sudan ayaa lagu sheegay in la bililqeystay Xarunta Safaaradda Soomaaliyeed iyo Xarunta Ergada Hawlgalka QM ee Nabad-Ilaalinta ee dalka Sudanta Koonfureed ee (The United Nations Mission in the Republic of South Sudan) ee loo soo gaabiyo (UNMISS).
Bayaanka waxaa lagu xusay inay Ciiddan ka tirsan kuwa Gurmadka Degdega ee RSF ka dambeeyeen Bililiqada loo geystay Xarumaha Ergada UNMISS iyo Safaaradda Somalia.

