Qaahira:- Safiirka JFS ee dalka Masar ahna wakiilka joogtadda ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Ilyaas Sheekh Cumar oo Munaasibad gaar ah u sameeyay dhaqaatiirtii caawisay dhaawacyadii Ciidanka Xooga Dalkeenna Soomaaliya ee Masar lagu daaweeyay.
Ujeedka munaasibadda oo ahayd mid mahadcelin iyo dhiirigelin isugu jirta ayaa waxa kaso qeyb galay Diplomaasiyiinta Safaaradda, Aqoonyahanadda, ganacsatadda iyo Odayaasha Jaaliyadda Masar.
Danjire Ilyaas Sheekh Cumar ayaa ugu horeyn u Mahadceliyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr:Xasan Sheekh Maxamuud oo fududeeyay imaatinkii, daryeelkii iyo dib u laabashadii dhaawacyadii ciidan xooga dalka Soomaaliya oo dalka dib loogu celiyay iyagoo caafimaad qaba.
Sidoo kalle Safiirka ayaa amaanay ardaydii dhaqaatiirta aheyd ee waqtigood iyo aqoonta ay leeyhiin ku garab istaagay dhaawacyadii ciidanka Xooga dalkeenna Soomaaliya oo mudo badan lagu baxnaaninayay qaar kamid ah isbitaaladda ugu tayo sareeyo ee Qaahira.
Qaar kamid ah Aqoonyahanadda, Ardayda iyo Odayaasha Jaaliyadda ee munaasibadda kaso qeyb galay ayaa Danjiraha iyo safaaradda ku bogaadiyay iney buuxiyeen kaalintii looga baahna ee ah wax u qabashadda Jaaliyadda.
Ugu danbeyn Danjire Ilyaas Sheikh Cumar ayaa ardayda dhaqaatiirta ah gudoonsiiyay shahaado sharaf isago kulla dardaarmay iney dhaxdoodda iska warqabaan islamarkaana garab istaagaan oo caawiyaan Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Arrimaha Caafimaadka u yimaadda Masar.


