Safiirka Dowladda Soomaaliya ee New Dalhi u jooga oo booqasho Tacsi ah ku tegay Xarunta Safaaradda Dowladda Qatar ee Magaaladaasi

New Delhi-Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Jamhuuriyadda Hindiya, Dr. Cabdullahi Maxammed Odowaa, ayaa Maanta booqasho Tacsi ah ku tegay Xarunta Safaaradda Dowladda Qatar ee magaalada New Delhi ee Dalka Indiya .

 

Intii uu booqashada ku guda jiray, Danjiruhu waxa uu saxiixay Buugga Tacsida ee loo furay geerida Amiirkii hore ee Dowladda Qatar, Sheekh Hamad bin Khalifa Al Thani, oo sidoo kale ahaa Aabbaha Amiirka talada haya ee Dowladda Qatar, Sheekh Tamim bin Hamad Al Thani.

 

Danjiruhu waxa uu TacsiĀ  tiiraanyo leh u diray Dowladda, Shacabka iyo Qoyska reer Al Thani, isagoo adkeeyay xiriirka Walaaltinimo iyo Iskaashiga dhow ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Qatar.

 

Safiirku waxa uu Alle uga baryay Marxuumka in uu naxariistiisa Janno kawaraabiiyo , Ehelka iyo Shacabka Qatar-na samir iyo iimaan buuxa ka siiyo.