Safiirka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Canada iyo Mareykanka oo Ka Qaybgalay Todobaadka Dhaxalka Soomaaliyeed.

Safiirka Soomaaliya ee Mareykanka iyo Canada Danjire Daahir Xasan Cabdi , Wasiirro hore iyo dad caan ah ayaa magaalada Edmonton, gobolka Alberta ee dalka Canada uga qeybgalay Munaasabadda Todobaadka Dhaxalka Soomaaliyeed ee 2026 oo qeyb ka ah ah dabaal degga Todobaadka Xoriyadda Soomaaliyeed oo sanadkan si weyn caalamka looga xusay.

Munaasabaddan oo dalka Canada ka dhacday inta u dhaxeysa 26kii June ilaa koowda bisha July ayaa waxaa lagu soo bandhigay Barnaamijyo kala duwan oo isugu jira Xaflado, Bandhigyo Hidaha iyo Dhaqanka ah iyo doodo wax ku ool ah waxaana soo qaban qaabiyey Alberta Somali Heritage Association (ASHA) waxaana guddoomiyaha Madashan Cismaan Maxamuud Maxamed Shire uu uga mahad celiyey ka qeybgalayaasha waqtigooda iyo maskax shiilkooda.

Danjire Daahir Xasan Safiirka Soomaaliya ee Mareykanka iyo Canada oo khudbado kala duwan ka jeediyey xafladaha iyo bandhigyada ayaa uga mahad celiyey qaban qaabiyeyaasha Madashan qiimaha badan sida ay waqtiga u geliyeen iney Soomaalida isku keenaan isagoo sidoo Kalena kula dardaarmay Soomaalida Canada ku nool iney dhaqankooda aad u ilaashadaan. Ciwaan iiga sameey