Safiirka Cusub ee Dowladda Turkiga u qaabilsan Soomaaliya, Ferhat Alkan, ayaa xilkiisa Magaalada Muqdisho ku billaabay Kulan aan rasmi ahayn oo uu la yeeshay Dhallinyarada Soomaaliyeed, oo ay ku jiraan Ardaydii horey wax ugu soo baratay Dalka Turkiga Gudahiisa.
Safiir Alkan wuxuu Dhallinyarada Soomaaliyeed kula kulmay Beydan Coffee, oo ah Maqaayad caan ah oo laga helo Qaxwaha qaabka Turkiga loo diyaariyo, taas oo ku taal Magaalada Muqdisho, waxaana aas-aasay Dhallinyaro Soomaaliyeed oo wax ku soo bartay Turkiga, wuxuuna sheegay inuu doonayay inuu ogaado aragtidooda, isla markaana uu la wadaago fikrado ku saabsan Dalka iyo Mustaqbalka Xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya.
“Hadafkayaga aasaasiga ah, oo ku dhisan ixtiraam iyo kalsooni Labada dhinac ah iyo dano wadaag ah, waa inaan horumarinno xiriirka ka dhexeeya Labadeenna Shacab ee Saaxiibka iyo Walaalaha ah, annagoo u marayna hab Saaxiibtinimo iyo daacadnimo ku dhisan,” ayuu yiri Alkan oo farriin ka soo saaray Safaaradda Dowladda Turkiga ee Magaalada Muqdisho.
Safiirku wuxuu sheegay in aragtiyaha iyo talooyinka Muwaadiniinta Turkiga iyo Saaxiibada Soomaalida ay noqon doonaan kuwo qiimo leh, iyadoo Labada Dal ay sii wadayaan safarkooda wadajirka ah.
Alkan wuxuu sheegay in Dhallinyarada Soomaaliyeed ee uu la kulmay ay muujiyeen ku-qanacsanaan ku aaddan waxyaabaha ay ku tilmaameen horumar laga sameeyay xaaladda Amniga iyo Nabadda ee Magaalda Muqdisho iyo Deegaannada ku xeeran.
Safiirku wuxuu xilkiisa billaabay xilli muhiim u ah xiriirka Labada Dal, kaas oo ku beegan Sannad-Guuradii 60-aad ee xiriirka Diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Dowladaha Turkiga iyo Soomaaliya, iyo Sannad-Guuradii 15-aad ee booqashadii Taariikhiga ahayd ee Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan uu ku yimid Dalka.
Erdogan, oo xilligaas ahaa Ra’iisul Wasaaraha Turkiga, ayaa booqday Soomaaliya Sannadkii 2011-kii, isagoo ay weheliso Marwada Koowaad Emine Erdogan.
Booqashadaasi ayaa calaamad u ahayd ballaarin weyn oo ku timid xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya, waxaana xigay iskaashi kordhay oo ku saabsan Gargaarka Bani’aadamnimada, Kaabayaasha Dhaqaalaha, Caafimaadka, Waxbarashada, Amniga iyo Horumarinta. Xiriirku wuxuu tan iyo markaas ku ballaartay dhinacyo ay ka mid yihiin difaaca, Tamarta iyo Dhaqaalaha Badda, iyadoo Ankara iyo Muqdisho ay ka shaqeynayaan Iskaashi ku saabsan sahaminta Shidaalka iyo Gaaska iyo qaybaha la xiriira Arrimaha Badda. Turkiga ayaa sidoo kale door muhiim ah ka ciyaaray Amniga iyo Horumarinta Hay’adaha Soomaaliya, iyadoo Labada Dal ay sii wadeen xoojinta xiriirka dhinacyada Dhaqaalaha iyo Horumarka.
Alkan wuxuu sidoo kale tilmaamay Khudbaddii uu Erdogan dhawaan ka jeediyay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, isagoo sheegay in dadaallada Turkiga ee lagu xoojinayo Amniga, Horumarka iyo Awoodda Hay’adaha Soomaaliya ay haystaan taageeradiisa buuxda.
Alkan ayaa yiri, isagoo la hadlaya Muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo Saaxiibada Turkiga: ‘Albaabada Safaaraddayadu mar walba way idiin furnaan doonaan’.
Alkan ayaa beddelaya Aper Aktaş, oo dhawaan soo gabagabeeyay muddadii uu ahaa Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya. Imaatinkiisa ayaa ku soo beegmaya xilli Ankara iyo Muqdisho ay sii xoojinayaan Iskaashigooda Istiraatiijiga ah, kaas oo ay ka mid yihiin dhinacyada Amniga, Horumarinta, Kaabayaasha Dhaqaalaha, Tamarta iyo Dhisidda Awoodda Hay’adaha Dowladda.

