Safiir ku-xigeenka Safaaradda Soomaaliya ee Jabuuti oo la kulmay Safiirka Qatar ee dalka Jabuuti

Safiir ku xigeenka safaarada Soomaaliya ee dalka Jabuuti mudane Jabril Afyare ayaa la kulmay safiirka Qatar ee dalka Jabuuti Rashid bin Shafie.

Safiir ku xigeenka ayaa isaga oo ku hadlaya magaca Soomaaliya ugu hambalyeeyay dowlada Qatar sida ay u agaasimeen koobkii aduunka ee dhawaanta lagu soo gabagabeeyay Qatar.

Labada masuul ayaa sidoo kale ka wada hadlay xooninta iskaashiga iyo xiriirka walaaltinimo ee Soomaaliya iyo Qatar