‘Safarka Dalxiiska iyo Nabadda ee Halyeeyada’ (WARBIXIN)

Taariikhda dhabta ah ee magaalada Muqdisho, waxaan si qurux badan uga marag furi karnaa Mogadishu Stadium, inuu yahay garoon weyn oo astaan u ahaa Isboortiga Soomaaliyeed, balse mar noqday mid ka mid ah meelaha ay colaadda iyo burburku ugu daran Saameeyeen. Muuqaalka maanta laga arkayo Mogadishu Stadium waa mid gebi ahaanba ka duwan kii toban ama labaatan sano ka hor. Garoonkii burbursanaa ayaa dib loo dhisay, lana qalabeeyay, waxaana loo rogay xaruun isboorti oo heer caalami ah. Ma aha kaliya meel lagu ciyaaro kubadda cagta, balse waa astaanta cusub ee nabadda, horumarka iyo kalsoonida ay dadka Soomaaliyeed ku qabaan dalkooda.

Bishaan May,  27, 2025-ka, oo aheyd shalay Muqdisho waxay martigelisay ciyaartoy caalami ah oo magac iyo maamuus ku leh dunida. Xiddigaha reer Afrika sida Samuel Eto’o, Emmanuel Adebayor, iyo Jay-Jay Okocha oo dhammaantood u soo ciyaaray kooxaha ugu waa weyn kubadda cagta sida Barcelona, Real Madrid, Chelsea, Arsenal, iyo Manchester City, ayaa cagta dhigay Garoonkaasi. Muuqaalkaasi waa kuwo taariikhi ah, dareen gaar ahna u leh kumannaan qof oo Muqdisho ku noolaa xilliyadii dagaallada iyo burburka.

Ciyaartani ma aheyn oo kaliya ciyaar, waxay ahayd farriin xooggan oo muujinaysa in Soomaaliya ay ka baxday mugdigii, una socoto iftiin, waxaana la arkay Caruur faraxsan, Waalidiin iyo dhallinyaro isugu yimid inay taageeraan ciyaaraha, iyadoo aysan jirin amni darro iyo cabsi midna, taasina waa horumar uu dalkeenna gaaray.

Dib u soo noolaanshaha Mogadishu Stadium waa qeyb ka mid ah isbeddelka guud ee ka socda dalka, waxaana dib u shaqo bilaabay xarumo dowladeed, iskuullo iyo jaamacado ayaa si xowli ah u fidaya, waddooyin ayaa la dhisay, ganacsi ayaa kobcaya, dalxiis ayaa soo ifbaxaya, iyo diblomaasiyad firfircoon oo horseed u noqotay magaca wanaagsan ee Soomaaliya ku yeelatay dunida inteeda kale.

Isboortigu wuxuu kaalin weyn ka ciyaaraa nabadda, wuxuuna mideeyaa bulshada, wuxuu dhiirrigeliyaa wadajirka, wuxuuna daaweyn u yahay dhaawacyadii Maskaxda iyo qalbiga ee ay colaadaha sababeen. In ciyaartoy heer caalami ah ay yimaadaan Muqdisho waxay soo jiidatay indhaha caalamka, waxayna kor u qaaday niyadda bulshada Soomaaliyeed.

Mahad Alle ayey u sugnaatay,  Isbeddelkan ma suurtagaleen la’aanta is-garab taagga Alle, sabirka shacabka Soomaaliyeed iyo dadaalka hal-abuurka leh ee ay muujinayaan dhallinyarada, dowladda iyo dadka qurbo-joogta ah, waxaana mudan in la xasuusto in horumarka aan maanta aragno uu yahay natiijada sannado badan oo dadaal, dulqaad iyo hiigsasho wacan ah.

Sida uu qabo Wiil dhallinyaro ah, “Caasimada dalka maanta waxay gudbisey sawir qurux badan Xukuumadda DanQaran iyo Xiriirka Kubadda Cagta ee Soomaaliya, waana uga mahad celineynaa inay dunida u muujiyeen in dalkeennu maanta uu  si cad u muujiyey inuu  Marti gelin karo ciyaaro caalami ah”.

Mogadishu Stadium maanta ma aha oo kaliya garoon, ee waa ‘Astaan Qaran’, calaamad rajo, iyo tusaale cad oo muujinaysa soo kabashada Soomaaliya .

“Qaar ka mid ah Ciyaartooyda heerka caalami ee Afrika ayaa dib ugu soo laabtay garoonka, iyagoo ciyaar taariikhi ah ku soo bandhigay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya”, sidaasi waxaa qoray TRT Africa qeybteeda African’s Post.

“Kumanaan taageereyaal ah ayaa maanta oo Talaado ah isugu soo baxay garoonka ciyaaraha ee Muqdisho, si ay u daawadaan ciyaartaas, waxaana ka dhex muuqday xiddigo hore oo Afrikaan ah oo ay ka mid yihiin Jay-Jay Okocha, Emmanuel Adebayor, Samuel Eto’o, iyo Vincent Onyeama iyo qaar kale, kuwaasoo la ciyaarayay koox ka mid ah xiddigihii hore ee Soomaaliya”.

Waa markii ugu horeysay oo Soomaaliya lagu qabto ciyaar heer sare ah tan iyo markii ay ka dilaaceen dagaaladii Sokeeye in ka badan 30 sano ka hor, waxaa loogu magacdaray Dalxiiska Nabadda iyo Halyeyga, waxaana ujeeddadiisu tahay in lagu muujiyo hamiga Soomaaliya ee ah in ay dib ugu soo laabato Masraxa kubadda Cagta caalamka, ayna muujinayso nabadda iyo xasilloonida dalka.

“Wafuud ka kala socota FIFA iyo xiriirka kubadda cagta qaarada Afrika ee CAF ayaa sidoo kale la filayaa inay dhawaan dalka yimaadaan”, ayay qoraalkeeda ku sheegtay. “Kulamada martigelinta ee ka dhacaya garoonka Muqdisho waxay sare u qaadayaan muuqaalkeenna kubbadda cagta,” ayuu yiri Cali Cabdi Maxamed Cali Shiino, Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda Cagta.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qeyb-galay daawashada ciyaar saaxiibitimo oo taariikhi ah, ayaa sheegay in munaasabaddan ay tahay tallaabo muhiim ah oo qeyb ka ah dadaallada Xukuumadda ee ku aaddan soo celinta sumcadda iyo awoodda ciyaaraha Soomaaliyeed, isaga oo xusay in joogitaanka Xiddigaha Caalamiga ah iyo Madaxda isboortigu ay muujinayso soo laabashada kalsoonidii uu caalamku ku qabay Soomaaliya ee dhanka Isboortiga.