Safaaradda Soomaliya ee dalka Kenya oo soo qaban qaabisay munaasabad lagu xusayey maalmaha xoriyadda

Munaasabadan oo ay soo qaban qaabisay safarada somalia ee dalka kenya islamarkana ahayd mid loogu dabaal dagayay 62 sano guuradii kasoo wareegatay markii uu xornimada qaatay Dalkeena somaliya islamarkaana ay midoobeen gobolada waqooyi iyo kuwa koonfureed ayaa waxaa lagu qabtay safarada somaliya ee dalka kenya.

munaasabadan oo ay kasoo qayb galeen Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka somaliya Dr cabdiwali Maxmamed cali gaas, diblomaasiyiin ka kala socotay dalalka aduunka iyo sidoo kale qaybaha kala duwan ee jaaliyadda soomaaliyeed ee ku dhaqan Magalada nairobi dalka kenya Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Dr cabdiwali cali gaas islamrkaana soo noqday madaxwayihii hore ee dowlad goboleedka puntland ayaa dhankiisa ugu hambalyeeyay shacabka soomaliyed sanad guurada 62aad ee kasoo wareegatay markii uu xornimada qaatay dalkena.

Ugu danbeyna safiirka safarada somaliya ee dalka kenya amb Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo munaasabada soo xiray ayaa ku dheeraaday ahmiyada ay leedahay midnimada umadda soomaaliyeed.