Safaaradda Soomaaliya ee Yemen oo bilowday bixinta baasaboorka dalka

Maamulka Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Yemen ayaa maanta dib u bilowday bixinta baasaboorka Soomaaliga oo lagama maaramaan u ah howlaha dhinaca socdaalka iyo aqoonsiga jinsiyadda dadka Soomaalida ah.

Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Yemen  C/Xakiim Maxamed Axmed oo ka hadlay kulankii bixinta adeegaan ayaa sheegay in la bilaabay wajigii koowaad ee muwaadiniinta Soomaalida lagu siinayo baasaboorka dalka,kadib markii muddo sided sano ah ay sugaayeen in ay helaan adeegaan.

Safiirka ayaa xusay in muwaadiniin gaaraya 71 ruuux ay qaateen baasaboorka Soomaaliga ah,isla markaana ay jiraan tiro badan oo weli ku sugan Dalka Yemen oo sugaaya  adeegaan,kadib markii uu Danjire C/Xakiim Maxamed uu tilmaamay in la sameeyay baaritaanno lgu xaqiijinaayo a in ay yihiin dad Soomaali ah.

Bixinta adeegga baasaboorka Soomaaliga ah ayaa la filayaa in muwaadiniinta uu u fududeeyo sidii ay dalka Yemen uga soo bixi lahaayeen,isla markaana ay dib ugu soo noqon lahaayeem gudaha dalka.