Safaaradda Soomaaliya ee Tanzania oo Gaadiid kala wareegtay Jaalliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool

Safaaradda Jamhuuriyadda Soomaaliya ay ku leedahay dalka Tanzania, ayaa Jaalliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool kala wareegtay labo gaari oo ay ugu talo galeen inay adeegsadaan diplomaasiyiinta Soomaaliyeed ee Safaaradda ka howlgala.

Qoraal ka soo baxay safaaradda ayaa lagu yiri: ” Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Tanzania waxay uga mahadnaqeysaa Jaalliyadda Soomaaliyeed ee Daaru Salaam, Tanzania, taageerada ay mar walba la garab taaganyihiin Safaaradda.”

“Maanta oo ay taariikhdu tahay 2-da Febraayo 2022, waxaa si dhab ah u hawlgalay laba gaari oo ay Jaalliyaddu u soo iibisay Safaaradda, iyadoo si rasmi ah ay gawaaridaas ku yimaadeen magaca Safaaradda Soomaaliyeed ee Tanzania”. ayaa la sii raaciyay qoraalka ka soo baxay Safaaradda.