Safaaradda Soomaaliya ee Mareykanka oo gobolka Minnesota ka bilaawday adeega bixinta Baasaboorka.

Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay Magaalada Washington DC ee magaalo madaxda dalka Maraykanka oo in dhawaalaba ku howlaneyd dadaallo ku aadan sidii ay u heli lahaayeen muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadankaasi Mareykanka gaar ahaan Gobolka Soomaalidu ay ku badantahay ee Mennesota ayaa bilowday bixinta baasaboorrada si Muwaadiniinta Soomaaliyeed ay ugu fududeyso helidda adeegyada oo ay ugu horeyso helidda Bassaboorka.

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Mareykanka ayaa dadaal ugu jirto sidii ay si hufan ugu adeegi lahayd shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Mareykanka si ay ugu haqab tirto Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool halkaasi adeegyada ay u baahan yihiin.