Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Hambalyo u dirtay Kooxda Dekedaha kadib Guushii Taariikhiga ahayd ee CAF Confederation Cup

Nairobi, (Wargeyska Dalka) – Safiirka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Danjire Jibriil Ibraahim Cabdulle, ayaa hambalyo u diray kooxda kubadda cagta Dekedaha FC kadib markii ay guul taariikhi ah ka gaareen garoonka Kasarani, isla markaana ay u gudbeen wareegga xiga ee CAF Confederation Cup.

Danjire Jibriil ayaa sheegay in adkaysiga, kartida iyo aaminaadda kooxda ay sare u qaadeen sharafka iyo sumcadda Soomaaliya, isagoo xusay in marka ay wajahayaan kooxda weyn ee Zamalek ee magaalada Qaahira, guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ay garab taagan yihiin oo ay u ducaynayaan.

Safiirku waxa kale oo uu bogaadiyey dadaalka iyo ciyaarsiinta wanaagsan ee kooxda walaalaha Suudaan ee Al-Hilal, isagoo tilmaamay in kubadda cagta Afrika aysan ku koobnayn kaliya tartan, balse ay tahay mid mideysa, ixtiraam iyo jacayl loo wada qabo ciyaarta quruxda badan.